Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ku dilay 10 ka tirsanaa Shabaab

0

BUURHAKABA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Shabaab.

 

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Bashiir ayaa waxaa lagu dilay 10ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Goobta uu howlgalku ka dhacay waxay aheyd koontarool ay lacago ku qaadayeen xubnaha Al-Shanaab oo ay weerareen ciidamada milatariga, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Goobta uu hawlgalka ka dhacay waxa ay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay Lacago Baad ah, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan shacabka ku nool Gobalka Baay” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here