Duqa Muqdisho oo booqday ciidamo loo diyaariyay dowladda hoose + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeediyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

 

Mas’uuliyiin ayaa u tegay  cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta  Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here