Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda UNWOMEN

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku soodhaweeyay Wafdi ka socda Hay’adda UNWOMEN oo uu hogaaminaayay wakiilka hay’adda u fadhiya Soomaaliya Sadiq Syed.

 

labada dhinac ayaa is dhaafsaday warbixino ku kala saabsan labada hay’adood iyagoo isla gartay muhiimadda ay u leedahay wadashaqayn dhexmarto, si gaara awoodsiinta dumarka si ay kaga qayb qaataan hawlaha baxaadda leh ay hay’adda SODMA qabato.

Sidoo kale wakiilka hay’adda UNWOMEN ayaa dhankiisa ballanqaaday in xagga tababarada ay ka caawin doonaan hay’adda Maaraynta.

Guddoomiye Maxamud Macallim ayaa dhankiisa soodhaweeyay ugana mahadceliyay wakiilka booqashada iyo wadashaqaynta labada hay’adood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here