Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u baxayo safar dibadeed + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan lagu wadaan inay u ambabaxaan dalka Talyaaniga.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in madaxweynuhu uu dalkaas kaga qayb-geli doono shir caalami ah oo ay isugu tegayaan madax kala duwan.

Shirka ayaa 23-ka bishan oo beri ku beegan ka dhacaya magaalada Caasimadda ah ee Rome, waxaana soo qaban qaabisay hay’adda cunnada aduunka ee WFP.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirweynahan, taas oo uu uga hadli doono xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda kasoo qayb-gelysa shirkan oo uu kala hadli doono arrimo ku aadan taageeradan Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa  waxaa ku soo laalaabatay abaaro baahsan, taasi oo keentay cunno yari sababtay in ay ka dhalato macluul aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here