ROMA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.
Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga,.
Dowladda Soomaaliya ayaa mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli kulamo ka wada magaalada Roma, halkaas oo uu u tegay ka qayb-galka shirar caalami ah.
Sidoo kale waxaa la filyaa inuu si gaar gaar ah ula kulmo madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirarkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya.