R/W Xamza oo kulan uga qayb-galay degmada Heliwaa + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hay’ada amniga.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaruhu uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada shaqaynta iyo dhago nugaylka ay u yeesheen hay’adaha amniga, isla markaana degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo hey’adaha amniga caasimada si looga hortago amni darrada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here