MUQDISHO (SMN) – Axmed Ciise Guutaale oo ah hantidhowraha guud ee qaranka ayaa soo saaray warbixin sanadeed uu sameeyay xafiiskiisa, taas oo taabatay hay’ado ka tirsan dowladda iyo shirkado shisheeye oo ka howlgala gudaha magaalada caasimadda Muqdisho.
Hantidhowraha ayaa warbixintiisa ku soo qaaday shirkaha Favori LCC iyo Albayrak oo maamula garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee Muqdisho.
Waxa uu sheegay in aysan soo gudbin warbixin maaliyadeedkii laga rabay 90 cisho kadib marka uu dhammaado sanad kasta.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xafiiska hantidhowraha uusan awood u yeelan inuu arko warbixinta maaliyadeed ee shirkadaha Favori LCC iyo Albayrak, si loo xaqiijiyo heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in 25% dowladda Soomaaliya ay leedahay dakhliga ay garoonka ka qabato shirkadda Favori, halka shirkadda Albayrak ee maamusha dekedda ay dowladda ku leedahay 62.17% oo kamid ah guud ahaan dakhliga ay qabato.
Dhinaca kale awarbixintan ay waxa ay taabatay safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna hantidhowrku sheegay in baaris guud lagu sameeyay saddexdaasi safaaradood.
Guutaale ayaa shaaca ka qaadya in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu soo muujin warbixinta maaliyadda ee dowladda.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee waddamada Kenya, Turki iyo Jarmalka uu gaarayo illaa saddex miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.
Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-