Xamza Warfaa oo kulamo la qaatay guddoonka labada Aqal + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

 

Lataliye Warfaa oo Guddoomiyaha ugu yimid booqasho iyo salaan, ayaa sidoo kale iska xog waraystay xaaladda guud ee dalka iyo  geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyuhu ku bogaadiyay Warfaa dadaalkiisa uu ku gaaray shaqadaan lagu aaminay.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.

Dhanka kaleGuddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isna maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey  soo dhaweynta loogu sameeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here