Wasiirka Cadaaladda oo maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta markale kulan ku leh xaruntooda villa Hargeysa,waxana hortagay Golaha maanta Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha  Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Madane Xasan Macalin.kaa oo waxa laga weydiinayay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka oo akhrinta 1-aad ay Golaha marsiinayaan.

 

Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda ayaa Golaha Shacabka ka raali geliyey dib u dhaca kulankii Golaha ee maalintii Sabtiga, isaga oo sheegay in uu ku mashquulay shirkii Golaha Amniga Qaranka.

“S i aan kala har laheyn ayaan ugu cudur daaranayaa, kana raalli-gelinayaa Golaha Shacabka dib u dhaca aan qorshaha igu jirin” ayuu wasiir Xasan Macallin.

Kulanka Golaha Shacabka oo weli socda waxaa shir guddoominyao Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadn (Madoobe) iyo labadiisa ku xigeen,wasiirka Cadàaladda ayana golaha ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,isagoona ka jawaabay weydiimaha xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here