JIGJIGA (SMN) – Warar naga soo gaaraya dhulka zdowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay shan carruur ah aano qabiil loogu dilay deegaanka Qorof oo ka tirsan degmada Gallaadi.
Carruurtan ayaa waxaa weerar gaadmo ah ku dilay maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga dhaqaaqay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga la dilayay carruurta ay ka yimaadeen xaflad aroos ah, isla-markaana ay seexdeen meel u dhow dugsigooda Qur’aanka oo lagu dilay.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee ismaamulka Soomaalida oo ku aadan falkaasi lagu laayay carruurta.
Dhacdadan ayaa argagaxa leh ayaa naxtin ku abuurtay dadka deegaanka, maadaam hal goob lagu dilay 5 carruur ah oo aan qaan-gaarin oo kamid ah dadka deegaanka.