Dowladda Soomaaliya oo 15 kun oo askari u diyaarisay dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan diyaarisay illaa 15 kun oo askari, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

 

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan la diyaariyay todobadii bilood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka qyab qaadan doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Todobadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lagu jiray diyaar garow in badan dadka waxa ay si weydiinaayeen dowladda halkee ku maqan tahay?, dagaalladii dib u xoreynta miyay istaageen? dagaallada dib u xoreynta ma istaagin waxaa lagu jiray diyaar garow” ayuu yiri.

Doodishe ayaa sidoo kale xusay in qaar kamid ah ciidamadan haatan loo diray furimaha hore ee dalka, si ay ugu biiraan gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here