MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Hamza Abdi Barre, oo ka duulaaya hirgalinta hannaanka Dowladnimada ee ku dhisan isla xisaabtanka iyo gaarsiinta muwaadiniinta Soomaaliyeed adeegga Dowliga ah.
Wafdiga oo ka kooban Agaasimayaal, La taliyayaal iyo howladeenno kala duwan oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu diray dalka Malaysiya si tababar aqooneed ugu soo qaataan qaar kamid ah Jaamacadaha dalkaas.
Wafdiga oo uu hoggaaminaayo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Subeyr, oo maalmihii laso dhaafay ku sugnaa Caasimadda Dalka Malaysiya ee Kuala Lumpur, ayaa qaadanaaya casharo kala duwan oo ku saabsan hannaanka ugu wanaagsan ee loo hirgaliyo Dowlanimo ku dhisan isla xisaabtan iyo gaarsiinta muwaadiniinta adeegga Dowliga ah ee hufan.
Wafdiga waxaa casharo kala duwan siin doona Khubaro uu kamid yahay Mudane Idris Jala oo ah Wasiiru-Dowlihii hore ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya oo ahaa maskaxdii ka dambeysay hirgalinta hannaanka horumarineed ee ay ku tanaadday Dowladda Malaysiya sanadihii laso dhaafay.
Inta ay ku jiraan tababarka aqooneed wafdigu waxay booqan donaan qaar kamid ah wasaarahada iyo hay’adaha kala duwan ee dalkaas, si ay indhahoodu ugu soo arkaan waxyaabaha aas-aaska u ah horumarka Dalka Malaysiya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-