Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay si wadajir ah ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad-Sugidda uga sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

 

Howlgalka oo laga sameeyay xaafadaha Howlwadaag ayaa waxaa hoggaaminayay saraakiil ka tirsan dowladda, gaar ahaan qaybta Waliyow Cadde iyo sidoo kale maamulka degmadaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa wxaaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la’isug geeyay goob ay kula hadleen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa la dagaallanka maandooriyaha, ciyaal weerada iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta Waliyow Cadde, Daa’uud Axmed Caraale oo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay la soo wadaagaan xogaha ay hayaan, si loo helo bulsho iyo boolis isku xiran

Maalmihii u dambeeyay aya waxaa Muqdisho ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanayaan burcad hubeysan, waxaana dhanka kale barbar socda howlgallo amni xaqiijin ah oo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here