Hay’adda SoDMA oo gargaar u diyaarisay deegaanada laga saaray Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaliyed mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa waxa uu booqday Baqaarka kaydka xarunta dhexe ee hay’adda oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee raashinka, kaas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii Al-Shabaab laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.

 

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen sidii gargaar u gaarsiin lahaa magaalooyinka iyo deeganada gobollada dalka ee dhawaan laga xoreyn doono Al-Shabaab oo ay ugu horeyso magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaaridda bulshada Soomaaliyed, waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar mucaawino ah ay u daabuli donaan magalaada Lascaanood oo shacab badan oo dagaalada halkaas ka socda saameyni ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka magaaladaas.

Guddoomiaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyed in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyed ee dhibaateysan gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here