MUQDISHO (SMN) – Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxmaud Macallin ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SODMA kula kulmay Madaxa Hay’adda Bisha Cas – Turkey ee Dalka Soomaaliya u qaabilsan Mudane Niyazi kalaycı.
Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa ka mid ah hay’adaha caawimadda kala duwan ka fidiyo dalka Soomaaliya taas oo uu ku amaanay Gudoomiye Maxamud kagana mahadceliyay daddaalka ay kaga wakiilka yihiin shacabka iyo dowladda Turkiga oo mar waliba garab taagan shacabka Soomaliyeed.
Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa isagana Gudoomiyaha kaga warbixiyay hawlaha kala duwan ay ka hayaan dalka, isagoo si gaara u amaana wada shaqaynta heerkeedu sareeyo ee kala dhexeyso Madaxda iyo Maamulka Hay’adda SODMA.