Al-Shabaab oo la sheegay inay hubeeyeen shacabka degmada Ceelbuur

0

CEELBUUR (SMN) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Galmudug, gaar ahaan Ceelbuur ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaas oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeyso dowladda iyo Al-Shabaab.

 

Xaad oo wareysi siiyay Idaacadsa Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kusii jeedaaan Ceelbuur, isla-markaana ujeedka uu yahay in la xoreeyo maalmaga soo socda.

Nabadoonka ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada ay haatan wajahayaan shacabka ku dhaqan gudaha degmadaasi, wuxuuna sheegay inay cadaadis saareen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay hub u dhiibeen dadka deegaanka, ayna ku sawireen, si ay uga faa’iideystaan dagaalka culus ee ku wajahan halkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee lagu xoreynayo magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ay ka socdaan Galmudug, kuwaas oo uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaad ka badan jooga Dhuusamareeb.

Ciidamadii ugu badnaaa oo isugu jiro Xoogga dalka, Daraawiishta Glamudug iyo kuwa deegaanka ayaa ka qayb-gaadanaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe.

Ciidamada ayaa isku qaybiyay laba dhinac, waxay qaarkood u jiheysteen qabashada Ceelbuur iyo Galhareeri oo ka tirsan Galgaduud, halka qaybta kalena ay ka dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo saldhigan doono gudaha magaalada Wabxo, si ay halkaas uga galaan difaac ugna hortagaan xubnaha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here