Wararkii ugu dambeeyay xiisadda maanta ka taagan duleedka magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xiisada xoogan ay ka taagan tahay duleedka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

Xiisaddan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa kale oo ka cabanaya mushaar la’aan oo gadood ka sameeyay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gadoodsan ay toogasho ku dileen askari ka tirsan Booliska, taas oo keentay xiisadda iyo dhaq-dhaqaaqyada laga dareemayao Garoowe.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in xaaladda ay kacsan tahay, isla-markaana ay dareemayaan cabsi ku aadan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka Puntland iyo madaxda sare ee maamulkaas oo ku aadan xiisadda ka aloolsan Garoowe.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Puntland ka taagnaa qalalaase xoogan oo saameyn ku yeeshay amniga deegaanada maamulkaasi, kadib markii ay isku dhaceen Saciid Deni iyo mucaaradka oo isku qabta arrimo la xariira doorashooyinka iyo sidoo kale dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here