Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland oo lagu xiray Mandheera

0

MANDHEERA (SMN) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigtay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland, kadib markii lagu qabtay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi.

 

Xildhibaankan oo safrayay ayaa Isniintii lagu qabtay goob laga raaco basaska oo ku taalla Mandheera, waxaana kadib lagu xiray saldhigga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Gurxan loo haysto inuu isticmaalayay kaarka aqoonsiga Kenya oo been abuur ah, kadibna ay sidaas ku xireen ciidamada ammaanka.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya Gitari Muchira ayaa sheegay inay la socdaan arrintaasi, isla-markaana xildhibaanka lasoo taagi doono maxkamad.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan xarigga Xildhibaanka loogu geystay Mandheera oo u dhow xadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here