MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska iyo kuwa Xasilinta oo is-kaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay Janaraal Sheegow iyo qaar ka mid ah Ciidanka oo saacadiihii ugu dambeeyay ka dagaalamayay Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa yimid kadib markii Janaraalka uu ka biyo diiday si nabadoon uu isugu dhiibo Ciidanka Booliska, taasi oo keentay in uu qarxo dagaal culus oo soo bilowday xalay islamarkaana soo gaaray saaka.
Janaraalka ayaa u gacan galay Ciidanka Booliska ka gadaal markii looga awood roonaaday dagaalka, sida ay sheegayaan dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle.
Dagaalkii lagu soo qabtay Janaraalka oo Xalay ka bilowday Isgooyska Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ayaa ku fiday Degmada Dharkenley, waxaana la soo warrinayaa in weerarkii lagu qaaday Janaraalka uu ka dambeeyay kadib markii Ciidankiisa ay dhac ka geysteen qeybo ka mid ah Degmada Wadajir.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka degaanka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin.
Goobjooge la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in Ciidanka Dowladda ay nolosha ku qabteen Janaraalka iyo ciidankiisa.
Waxay intaasi ku dartay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 4 ka mid ahaa Ciidankii uu watay Janaraal Sheegow.
Xaaladda ayaa deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku gedaamay Ciidanka Dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska.
Halkan hoose ka dhageyso codka.