Wiil Soomaali ah oo fal toogasho ah ka geystay Mareykanka, kadibna is dilay

0

COLUMBUS (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo naxtin leh oo ka dhacday dalka Mareykanka, kadib markii wiil Soomaali ah uu dil argagax leg ka geystay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, kadibna uu isagu is dilay.

 

Ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Cali Dirir oo 23 sanno jir ah ayaa la sheegay inuu toogtay gabar lagu magacaabi jiray Aasiyo Muslim oo iyana aheyd 22 sano jir, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Columbus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cali uu xiriir jaceyl kala dhexeeyay Aasiya, isla-markaana uu uga shakiyay inay xiriir la leedahay nin kale, kadibna uu sidaas ku dilay.

Dhacdadaan ayaa ragagax ku reebtay Soomaalida ku dhaqan guud ahaan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, maadaama ay lama filaan ku noqotay.

Sdioo kale waxaa arintan farageliyay booliska oo haatan wada baaris ku aadan falkaasi, in kastoo Cali iyo Aasiyo lasoo wariyey geeridooda.

Si kastaba dhacdada ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, ayada oo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada ee Internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here