MUQDISHO (SMN) – Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Koonfur Galbeed, kadib wareysi uu siiyay Shabelle.
Dhaqtar ayaa shaaca ma ka qaaday in dhibaatooyinka ka jira Koonfur Galbeed ay ka dambeeyaan saamiley siyaasadeed oo danley ah, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan horumarka maamulkaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jiraan cadow gudaha iyo dibadda ah, isla-markaana ka shaqeynaya inay colaad ka huriyaan Koonfur Galbeed, isaga oo tusaale usoo qaatay shaqaaooyinkII ka dhacay degmooyinka Baraawe, Wanlaweyn iyo Ceelbarde.
Idiris Cabdi Dhaqtar oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo uu tilmaamay inuu dhaq-dhaqaaq ka wado Shabeelaha Hoose.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Koonfur Galbeed ay isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, haddana waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeedo, kuwaas oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.