GAROOWE SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo koox hubeysan uu ka dhacay Garoowe.
Dagaalka oo qaatay ku dhowaad 30 daqiiqo ayaa sababay dhaawaca hal qof, sida uu shaaciyay taliska booliska ee gobolka Nugaal.
Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii kooxda hubeysan ay tageen sadhigga xaafadda Israac, kadibna uu is faham waa soo kala dhex-galay iyaga iyo booliska oo isku dhacay.
Taliska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in kooxda ka dambeysay falkaas ay aheen cabtooy.
Dhowaan ayay aheyd markii sidaan oo kale ay Garoowe ugu dagaalameen ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa kale oo taabacsan xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.