Ciidamada dowladda Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay degmada Ceelbuur

0

degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii xubnaha Al-Shabaab ay ka baxeen degmadaas.

 

Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya, Jeneraal Axmed Aadan ayaa xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanku ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur.

Degmadan oo ah mid istaraatiiji ah ayaa waxaa  gacanta ku hayay Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2017-kii oo ay dib u qabsadeen.

Qabashada Ceelbuur ayaa noqonaya guul-darro xooggan oo Al-Shabaab soo wajahaday, maadama u ahaa saldhigii ugu weynaa oo ay Al-Shabaab ka joogtay bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka maanta lagu qabtay degmada ayaa waqti dheer qaatay, waxaana hoggaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here