Sheekh Shariif oo dalbaday in baaris lagu sameeyo weerarkii Cowswayne

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray, wuxuu uga hadlay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay askar badan.

 

Sheekh Shariif ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in baaris lagu sameeyo weerarkaasi, isaga oo farriin culus u diray guddiga difaaca ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso:-

Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas.

Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud.

Wabillahi towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here