Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Dhuusamareeb, howlgal cusubna ka billaabay Galmudug

0

Dhuusamareeb – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay saraakiisha ciidamada si loo dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay saraakiisha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana markii dambe loo galbiyay Xarunta Taliska, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula qaatay saraakiisha qaybta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada militari ee ka socda deegaannada Galmudug, xoojinta isku-duwidda ciidamada iyo sare u qaadidda waajibaadka Ciidanka Xoogga Dalka, si loo adkeeyo amniga loona sii xoojiyo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howlgaladan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku doonayaan ciribtirka Al-Shabaab, dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin iyo sugidda amniga deegaannada laga saaray kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in howlgalada la dardargeliyay ay socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here