Xaggee ayey marayaan dadaallada Soomaaliya ee ku biirista Ururka EAC?

0

MUQDISHO (SMN) – Cabdisalaan Hadliye Cumar Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika oo saxaafadda uga warbixiyay shirka wada xaajoodka farsamo ee ku biiritaanka Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika,  isla markaana ay la leeyihiin wafdiga ka socda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo maalmahan shirar uga socdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay  in kulanka labada dhinac uu meel fiican u marayo, kaasi oo lagu wado in warbixin dhameystiran uu ka soo baxo maalinta khamiista ah ee nagu soo aadan.

 

Mudane Cabdisalaan Hadliye ayaa xusay in sahankann uu soo bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022-ka,, haatana ay socdaan dadaallada ku aadan sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Wafdi ka socda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxa ay kormeer ku tageen Soomaaliya, halkaasi oo ay ku soo arkeen horumarka ay sameysay dowladda ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha muddadii ay joogeen wafdiga, iyagoo u riyaaqay dadaallada dowladda”. ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika.

Mudane Cabdisalaan Hadliye “Shirka Guddiga farsamada meel fiican ayuu noo marayaa, waxaanu rajeynaynaa in  Soomaaliya dhamaadka sanadkkan ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”

Wafdiga uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ay ku jiraan Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Sahra Cali Xasan, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashiir Macalin Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka kooban quburo 45 qof ah ayaa iminka kulamo farsamo kula leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya wafdiga ka socday Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasi oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee nagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here