Axmed Madoobe oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xirtaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrrimo ku aadan dagaalka adag ee lagu jiro Al-Shabaab.

 

Axmed Madoobe ayaa marka hore bogaadiyay guulaha ay gaareen ciidamada huwanta iyo doorka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab ee uu haatan u joogo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo, si loo xoreeyo deegaanada weli ka maqan gacanta dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qayb ka noqdaan dagaalka iyo kacdoonka ka billowday qaar kamid ah gobollada dalka, si loo garab istaago ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo uu haatan meel wanaagsan marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay guul aad u weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug oo Shabaab laga saaray dhul aad u ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here