MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabafda, Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa ka hadashay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay inay taageero u muujisay Al-Shabaab.
Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in aysan la shaqeynin Al-Shabaab, isla-markaana ay kala dhexeyso aragti iyo dagaal oo kaliya.
Sidoo kale waxa ay digniin u dirtay dad ay sheegtaan inay u adeegaan Al-Shabaab, isla-matkaana iska horkeenaya madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka guddoomiyaha degmada Warta Nabadda ayaa kusoo aaday, xilli baraha bulshada lagu baahiyay ciwaan ku sameysan magaceeda oo taageero weyn loogu muujiyay sarkaal sare oo ka soo goobtay Al-Shabaab, iskuna soo dhiibay dowladda Soomaaliya.