Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan degmada Maxaas + Ujeedka

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta ku sii jeedo degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu u tegi doono gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

U diyaar garowga qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ka socota halkaasi, ayada oo si weyn loo adkeeyay amniga guud ee degmada.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan madax ka kala tirsan dowladda federaalka, HirShabelle iyo saraakiil ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale magaaladaas hadda ku sugan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo weli ka gadoodsan HirShabelle, isaga oo la shiri doono madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ayaa la filayaa inuu la kulmo ciidamada ka qayb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, isaga oo kala hadli doono xoreynyta dalka.

Sidoo kale  ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaran dadar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan Dhuusamareeb, isaga oo u tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here