ATMIS oo sheegtay inay ka qeybgalayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa mar kale xaqiijiyey inay ka go’an tahay inay taageeraan hawlgallada milateri ee dowlada Soomaaliya hoggaaminayso kaasoo dalka looga saarayo Al-Shabaab , islamarkaana lagu xaqiijiyo nabadda iyo ammaanka Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin December 2024-ka.

 

“Hadafkeena, ATMIS ahaan waa inaan aragno Soomaaliya oo ammaan ah, xasiloon, oo barwaaqo ah oo nabad kula nool adduunka intiisa kale,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka ATMIS Gen. Sam Okiding  oo saxafiyiinta Soomaaliyeed kula hadlayay Xarunta ATMIS ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in diiradda ATMIS ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Ciidamada Soomaaliya  si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, maadaama ATMIS ay si tartiib tartiib ah ula baxayso askarta.

Wajigii koowaad ee dhimista la soo afjaray bishii June, ATMIS waxay kala baxday 2000 oo askari waxayna ku wareejisay lix saldhig oo hore uga hawlgeli jirtay iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).

Si wada jir ah Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ATMIS ayaa horay u soo gaba gabeeyay qiimeyn farsamo oo lagu sameeyay wajigii koowaad, waxaana hadda la diyaarinayaa in 3000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here