LAASCAANOOD (SMN) – Wararka ka imaanaya Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Somaliland ay ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay magaalada Oog ee gobolkaasi.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay halkaasi, waxayna sidoo kale dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaaabeen magaalada.
Ujeedka ayaa la sheegay inuu yahay duulaan ay rabto in Somaliland ku qaado ciidamada SSC-Khaatuma ee ku sugan aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Xaaladda ayaa kacsan, waxana dadka deegaanka ay haatan cabsi xoogleh ka muujinayaan in mar kale dagaal uu ka qarxo halkaasi.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaal culus oo ka dhacay bariga Laascaanood lagu jebiyay ciidanka Somaliland, kadib markii looga qabsaday taliskii weynaa ee xerada Goojacadde.