MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka socda dalka.
“Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Al-Shabaab iyo in dalkaan laga sifeeyo” ayuu yiri Guddoomiye Madaale
Sidoo kale waxa uu bogaadiyay guulaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo hooyeen howlagllada haatan ka socda gobollada dalka.
Waxaa kale oo uu Ganacasatada, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada faray in ay muujiyaan kaalintooda ku aaddan dagaalka dalka looga xoreeynayo Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.