Faah-faahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda gobolka Bakool

0

RABDHUURE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ku dhex-marayo deegaanka Booco oo ku dhaw degmda Rabdhuure ciidamada Itoobiya oo ku socday degmada Waajid iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo waddada u galay.

 

Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduudda ayaa ku socday degmada Waajid kahor inta aanay waddada u galin xubnaha Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Lama oga baaxadda khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aagga uu dagaalku ka socdo.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan badan, kuwaasi oo ku sugan gobollada Baay iyo Bakool, waxaana ay gacan siiyaan dowlada federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Waxay sidoo kale Itoobiya ayaa qeyb ka tahay howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana ay ku jirtaa waddamada safka hore oo dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheneyso in ay kala qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here