Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka Mudug

0

BACAADWEYN (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay saaka la waeeegeen magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ciidamada ay si nabdoon kula wareegeen magaaladaasi, kadib markii ay ka baxeen xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa gudaha u galay deegaanka Qaycad oo ay horayt ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxayna haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here