Xiisad u dhexeyso Korneel Barre Hiiraale iyo ciidanka Itoobiya oo ka taagan Doolow

0

DOOLOW (SMN) –  Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xiisad u dhexeyso ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaad hubeysan ay ka taagan tahay gudaha degmada Doolow ee gobolkaasi.

 

Xiisadda ayaa timid kadib markii ay ciidamada Itoobiya ku amreen Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) inuu ka baxo degmada, isaguna uu ka biyo diiday, taas oo keentay xiisadda hadda taagan.

Ciidamo taabacsan korneelka ayaa la sheegay inay haatan xirteen waddooyin ku yaalla Doolow, waxaana ujeedka uu yahay inay iska difaacaan ciidamada Itoobiya.

Barre Hiiraale oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inuu la dagaalami doono ciidanka Itoobiya, haddii ay weerar kusoo qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here