Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga, horumarka adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa waxqabadka hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo adeegyada la gaarsiinayo shacabka.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa warbixinno ku saabsan howlaha shaqo iyo waxqabadka wasaaradaha ka dhageystay xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo soo bandhigay heerka ay marayaan qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada ay u fidiyaan bulshada.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka warbixiyay caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagu xallinayo, si loo hubiyo in adeegyada aas-aasiga ah ay si hufan ku gaaraan shacabka ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyay dadaallada ay wadaan, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada, isla markaana ay xoojiyaan hufnaanta maamulka iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.




