Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Soo Xirtay Tababar Ku Saabsan Hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow, ayaa  soo xiray tababar muddo shan maalmood ah socday, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2023.

 

Tababarka oo ay ka qeybgaleen shaqaale iyo daneeyayaal ka socda hay’adaha gacanta ku haya xogta shakhsiga ah, oo ay ku jiraan Hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray aasaaska asturnaanta xogta, mabaadi’da dhowrista xogta, muhiimadda dhowrista xogta dadweynaha iyo waajibaadka saaran hay’adaha iyo shakhsiyaadka maamula xogta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Maxamed Nuur, ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay in aqoontii iyo xirfadihii ay ka kororsadeen tababarka ay ku dabaqaan hay’adaha ay ka socdaan, si loo xaqiijiyo hirgelinta saxda ah ee Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Xasan Maxamed Sayid, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Khadar Jaamac, Drs. Aamina Xasan Xuseen, Xoghaye ku xigeen Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo madax kale oo ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii waddo qabashada tababarrada noocan oo kale ah, si daneeyayaasha kala duwan ugu hoggaansamaan ku dhaqanka iyo fulinta sharciga dhowrista xogta.May be an image of one or more people, dais, newsroom and text that says "ERAL GOVERNMENT OF SOMALIA THE WORLDB BANK BRD- _ SKDUP CAPACITY-BUILDING TRAINING ON MENTATION OF TH ACT (2023) Data Protection Authority TREA2R.BANRK VENUE OLOW TOWER, MOGADISHU STAKEHOLDER CAPACITY- BUILDING TRAINING ON PROJEC NAME CapaeTy Advancement. choodandE heoughDigitalU Prajer ΤΗΕΙETnHOPTHE THE SOMALIA DATA PROTECTIONA SOMALIADATAPROTECTIONACT ACT (2023) SMeeIC IC SM CONSU PANY YOUR VICE- PROJECT NAME: OM ADVANCEMENTLI ENTREPRENEU DIGITAL"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here