BELEDWEYNE (SMN) – Taliska booliska gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xiisad shalay ka aloosaneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.
Xiisaddan ayaa la xiriirta is-qabqabsi soo kala dhex galay ciidamo daacad u ah madaxweyne ku xigeenka HirShabelle iyo kuwa kale oo iyana taabacsan guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in ciidamo uu soo galiyay gudaha magaalada Beleddweyne, kuwaas oo dhaq-dhaqaayo ka bilaabay qaybo kamid ah nagaaladaasi.
Col Isxaaq Cali oo ah taliyaha booliska gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in ay jirtay shaqaaqo yar, balse waxa uu tilmaamay in haatan la xaliyay.
Dhowrkii saac ee lasoo dhaafay ayaa xiisad xoogan waxa ay ka taagneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi oo walwal ay ka muujiyeen bulshada ku nool magaaladaasi.