QM oo ka shaqeynaysa hoos u dhigista fatahaada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaybteeda Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka ee Soomaaliya  ay sare u qaadayso tallaabooyinka lagu yareynayo khatarta fatahaadda ka hor roobabka El Nino ee la filayo.

 

FAO waxay sheegtay inay soo gabagabaysay falanqaynta iyo khariidaynta meelaha laga cabsi qabo inay fatahaada ka sameeyaan webiyada Jubba iyo Shabeelle iyadoo adeegsanaysa sawir dayax-gacmeed oo aad u sarreeya.

El Nino waxaa sababa isbedel ku yimaada cimilada waxayna dhacda labadii ilaa todobadii sanoba mar, waxayna horseedaa fatahaado ka dhacay dalalka qaar, oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaadayso ay keeni doonaan hoos u dhac ku yimaada fatahaadda webiyada haddii ay dhacdo roobab lixaad leh oo keenaya khasaaro dhaqaale oo dalka soo wajaha, maadaama dhul beeraadka ay biyaha fatahaada saameynayaan.

Bulshada ku nool webiyada Soomaaliya mara ayaa halis ugu jira fatahaadaha, iyadoo lagu qiyaasay 1.5 milyan oo hektar lagu wayn kara dalaga ku yaalla in la waayo.

Marka laga soo tago khataraha bini’aadantinimo ee dhabta ah, FAO waxay sheegtay in roobabka culus ee la filayo in laga faa’iidaysan karo si loo taageero wax soo saarka beeraha iyo soo kabashada hab-nololeedka dadka ku tiirsan dalaga beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here