Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 20 Al-Shabaab ah

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug.

 

Sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa dhulka hawdka ah ee deegaankaasi.

Halkam hoose ka akhriso:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 09, OCTOBER, 2023: Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya hawdka deegaankaas, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe.

Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan agabkii Khawaarijta ee saarnaa gaadiidkaas.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug

-Dhammad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here