Wasiir Jaamac oo war cusub kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

GURICEEL (SMN) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo weli ku sugan furinta hore ee dagaalka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada dhexe, kadibna loo soo jeesan doono deegaanada kale.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay hoos u dhacday awooddii Al-Shabaab, isla-markaana ay kusoo uruureen fulinta weeraro naf ka caari ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa wasiirka difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu ka sheegay magaalada Guriceel kadib markii isaga iyo madaxweyne Qoor Qoor ay booqasho ugu tageen ciidamo lagu diyaariyay halkaasi, kuwaas oo ka qayb qaadanayaa dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here