Taliska ciidanka Xoogga oo shaaciyay in la soo afjaray Shabaabkii ku sugnaa Ciid Ciidka

0

MAHADAAY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ugu dambeyn lasoo afjaray xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanada Ciid Ciidka iyo Cali Fooldheere oo hoosataga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

 

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay godad Al-Shabaab ay ka qoteen halkaas iyo xarumo kale oo ku yaalla dhulka hawdka ah ee howlgallada laga sameeyay.

Howlgalladaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa aagga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla-markaana ciidamada isbaheysanaya ay howlgal amni xaqiijin ah ka wadaan halkaasi.

Taliye Cali Xuubeey oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan qaybta 27-aad oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallada ay sameeyeen, isaga oo sidoo kale sheegay inay ku guuleystaan inay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen deegaanka Ciid Ciidka.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jabiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama lagu bilaabay wajiga koowaad dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, halka la filayo in wajiga labaad uu gaaro maamullada kale ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here