Hay’adaha amniga DFS oo baadi goobaya Abwaan la sheegay inuu ku biiray Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay baadi goobayaan nin la sheegay inuu ku biiray Al-Shabaab, kaas oo bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Abwaan Nageeye Cali Khaliif ayaa sidoo kale ka tirsanaa bahda suugaanta, kaas oo lasoo wariyay inuu aaday dhulka Al-Shabaab, inkastoo hay’adaha amniga war rasmi ah kasoo saarin kiiska Abwaanka.

Warar sugan ayaa sheegaya in Nageeye uu laba todobaad kahor tegay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kadibna uu usii tallaabay dhanka degmada Jilib oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta Shabelle u sheegay in baaris lagu hayo in Abwaan Nageeye uu ku biiray Al-Shabaab, isla-markaana au dhawaan ay soo bandhigi doonaan xogta ninkaasi oo dhammeystiran.

Nuqul kamid ah buug uu dhammeystiray bishan October kaas oo uu ugu magac daray DIBAD-WAREEG, ayuu arartiisa kusoo bandhigay qoraalkan hoose oo muujinaya inuu hiil u yahay Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here