MUQDISHO (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo ganacsataduba ay mas’uuliyada ka saaran tahay badqabka Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu uga digay ganacsatada inay dalka keenaan daawooyinka dhacay, sidoo kalena looga baahan yahay in ay ka fakiraan meelaha la dhigo daawada oo lafteedu qatar kale ay ka imaan karto.
Jibriil Cabdirashiid ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ganacsiga ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka dhaga fureysata amarkan, isla-markaana dhibaato ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneysa burburkii gaaray ayaa wei la daala dhaceysa dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ugu horreeyaan taya xumada inta badan alaabada dibadda looga soo dhoofiyo dalkeena, waxaase hadda dadaal xoogan wada dowladda Soomaaliya.