Xiisad dagaal oo saaka ka taagan waqooyiga gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka magaalada Dhuusamareeb oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

 

Xiisadda oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka oo weli halkaas isku horfadhiya ayaa isku haya muran ka dhashay ceel biyood la dhisayo deegaanka, taas oo keentay inay dagaalamaan labada dhinac.

Dhimashada dagaalka ayaa gaartay ugu yaraan illaa 7 ruux oo labada beeleed ah, halka dhaawacana uu intaasi kasii badan yahay.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, balse waxaa soconaya dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo Galmudug, si loo kala qaado maleeshiyaadka ku dagaalamay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here