MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu dalku u baahan yahay dastuur dhamays tiran si aan cagaheenna isugu taagno, una noqonno dowlad buuxda.
Ra’iisul wasaare Xamse” Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno dastuurka”.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayay shir ku saabsanaa doorka muhiimka ah ee culimada Islaamka ay ku leeyihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa intaa ku in culimadu ay ka qayb qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in dastuur dhamaystiran uu caddeyn u yahay dowladnimo buuxda maaddaama aynu halgan usoo marnay deyn cafinta iyo in nalaga qaado cuna qabataynta hubka oo aynu dedaal weyn ugu jirno.