BAARDHEERE (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda gobolkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ay ku dhufteen roobaab daadad wata iyo fatahaado.
Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in weli xaalad bani’aadanimo ay ka jirto gobolka, isaga oo sheegay inay haatan ugu sii daran tahay degmada Baardheere oo ay weli ku go’doonsan yihiib qoyasas badan.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dowladda federaalka iyo Jubbaland oo iska kaashaaday gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Gedo.
Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay xaaladda Elnino oo si weyn loga dareemay dalka, waxaana haatan xaaladda ugu adag laga soo warinayaa magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha, halkaas oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.