MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay afaafka hore xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa oo si xoogan looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray xeradaas oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu beegsado ciidamo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay laamaha amniga oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah.
Wixii soo kordha kala soco Shabellemedia.com