BAYDHABO (SMN) – Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare Sanatar Deeqo Xasan Xuseen ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka KGS.
Wafdiga gudoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha shaati gaduud kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada dowlad gobaleedka KGS Xildhibaan Irshaad Maxamed Aadan Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Inta wafdiga gudoomiyaha ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Konfur galbeed, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan qodob muhiim ah oo ku saabsan xiriirka dowlad gobaleedyada iyo iyo Aqalka sare.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-