Guddoomiyaha SoDMA oo shir muhiim ah ka furay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah  kaas oo looga hadlaayo Mideynta lagunana casriyeenaayo digniinaha hore iyo jawaab bixin degdega ah kaas oo ay si wadajir ah u soo  qaban-qaabiyeen hay’adda yareeynta qataraha masiiboyinka ee Qaramada midoobay iyo hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

 

Shirkan Waxaa looga hadlaayaa sidii  loo mideeyn lahaa ama qorshe loogu dajin lahaa fariimaha digiinaha hore ee Xaaladdaha isbdalka Cimilada ee Climate change, iyadoo Dalkeena ka mid yahay Wadamada aduunka ee la daa laa dhacaayo isbadalka Cimilada.

Shirkaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Masuuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here